BBC navigation

Filibiin oo looga dhawaaqay musiibo qaran

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Novermber, 2013, 08:58 GMT 11:58 SGA
Philippine

Burburka ballaaran ee ka dhashay duufanta ku dhufatay Filibiin

Madaxweynaha Filibiin ayaa ku dhawaaqay musiibo qaran iyadoo la sheegayo in magaalooyin qaar ay burbureen qaarna la gaari la'yahay.

Bunigno Aquino ayaa sheegay in la xaddidi doono beeca waxyaabaha aasaasiga ah oona la laba jabbaari doono gargaarka.

Weriye ka tirsan BBC-da oo jooga dalka Filibiin ayaa sheegay inay adagtahay in la arko guri taagan goobaha ay ka dhacday duufaanta Haiyan.

Goor sii horreysay ayaa madaxa hay'adda Lanqeyrta Cas ee Filibiin ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay duufaanta dalkaas "ay aad u weyntahay"

Richard Gordon waxa uu sheegay in loo baahan yahay in waddooyinka la banneeyo si cunto, daawo iyo biyo nadiif ah loo gaarsiiyo deegaanada shishe ee ay duufaantu saameysay.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa wado dadal ay doonayaan inay ku gaaraan magaalooyinka qaar ee ay ku dhufatay duufaantu.

Kumanaan kun oo ruux

Kumanaan kun oo ruux ayaa ku dhimatay, tobonaan kun oo kalena way ku guryo beeleen duufantan.

Philippine

Khariiddada duufaanta ku dhufatay Filibiin

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ay hakinayaan waddooyinka iyo buundooyinka loo mari lahaa goobaha ay ku dhufatay duufaanta Haiyan oo xiran.

Masuuliyiinta Filibiin ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in toban kun oo ruux ay ku dhinteen hal gobol oo kaliye.

Madaxa boliiska gobolka Leyte, ayaa sheegay in tirada cusub ay ku salaysan tahay warar ka yimid masuuliyiinta tuulooyinka ay dabayluhu ka dhaceen.

Wuxuu sheegay dadka badankood inay biyaha ay qaadeen ama ay guryo ku soo dumeen.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.