BBC navigation

Sacuudiga oo celinaya dadka sharci darada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Novermber, 2013, 14:25 GMT 17:25 SGA

Shaqaalaha ajnabiga ayaa ka tagaya Sacuudiga si waddankooda ay ugu noqdaan.

Boqolaal shaqaale oo sharci daro ah ayaa isku dhiibay masuuliyiinta Sacuudiga si waddankooda loo dhoofiyo, kadib rabshado xalay ay ku dhinteen laba qof.

Boqolaal qof oo banaanbaxaya ayaa la xiray, kadib markii boliiska ay iska hor imaadeen dadkii banaanbaxayay xaafad ay degan yihiin dadka saboolka magaalada Riyadh.

Toddobaadkii hore ayaa Sacuudiga uu bilaabay inay qabtaan shaqaalaha ajnabiga ee sharci la'aanta ah.

Dowladda Itoobiya ayaa cambaaraysay dilka saddex Itoobiyaan ah, oo laba kamid ah la dilay maalin ka hor.

Itoobiya ayaa sheegtay inay bilaabayso inay dadkeeda soo qaado oo sharci darada ah.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.