Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (5.1 Mb)

Abwaan Sahal Ciise oo geeriyooday

10 Nofembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 19:57 SGA 16:57 GMT

Allaha u naxariistee waxaa xalay ku dhintay isbitaal ku yaal dalkan Britain abwaan Sahal Macalin Ciise oo caan ku ahaa murtida Lahjadda May May-ga.

Sahal oo muddo ku xanuunsanaa dalkan Britain, waxaa taariikhdiisi aan ka wareysanay abwaano iyo fanaanniin kale oo Soomaaliyeed, waxaana warbixintan nooga diyaariyay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.