Ilaa toban kun oo ku dhimatay Filibiin

  • 10 Nofembar 2013
Fatahaado iyo geedo soo dumay ayaa qatar ka dhigay jidadka

Masuuliyiinta Filibiin ayaa sheegay inay hadda ay aaminsan yihiin in toban kun oo qof ay ku dhinteen hal gobol oo kaliya, markii Typhoon Haiyan ay ku dhufatay dhowr jasiirado oo bartamaha ku yaala Jimcihii.

Madaxa boliiska gobolka Leyte, ayaa sheegay in tirada cusub ay ku salaysan tahay warar ka yimid masuuliyiinta tuulooyinka ay dabayluhu ka dhaceen.

Wuxuu sheegay dadka badankood inay biyaha ay qaadeen ama ay guryo ku soo dumeen.

Jasiirada Samar, masuuliyiinta ayaa sheegay in saddex boqol oo qof ay dhinteen, laba kun oo kalena ay maqan yihiin.

Gurmad wayn ayaa hadda socda, iyadoo diyaaradaha milatariga ay dadka gurmadka iyo gargaarka u qaadayaan Leyte.