Falatiiniyiinta oo "Isra'iil" uga shakisan dilka Carafaat

  • 8 Nofembar 2013
Arafat
Yaasir Carafaat ayaa geeriyooday 9 sano ka hor

Maammulka Falastiniyiinta ayaa sheegay in "Isra'iil oo kaliye looga shakin karo" dilka hoggaamiyihii hore ee Falastiniyiinta Yaasir Carafaat.

Guddi baarayo sababtii uu u dhintay Carafaat ayaa sheegay in natiijada ka soo baxday baaritaan ay takhaatiir reer Switzerland ah ay sameeyeen uu muujinayo in Carafaat uusan si dabiici ah u dhiman.

Guddiga ayaa sheegay in uu sii wadi doono baaritaannada ilaa iyo inta laga sal gaarayo xaqiiqada dhabta ah.

Isra'iil ayaa horey u beenisay inay wax lug ah ku lahayd dhimashada Carafaat.

Warbixin ay soo saareen baarayaal u dhashay Switzerland, ayaa sheegayso in laga yaabo in hoggaamiyihii hore ee Falastiiniyiinta la sumeeyay.

Suha
Xaaskii uu ka geeriyooday Carafaat, Suha

Waxaa ay sheegeen in baaritaan ay ku sameeyeen lafaha Yasir Carafat, ay ku arkeen heer sare oo ah maaddada sunta ah ee Bolooniyam-ta loo yeqaano.

Xaaskii Carafaat, Suha, ayaa sheegtay in natiijada baaritaanka ay muujinayso in ninkeedii la khaarijiyay.

Falastiiniyiinta ayaa dhowr jeer oo hore ka hadlay suuragalnimada ah in Carafat la dilay.

Yasir Carafaat ayaa geeriyooday sanadkii 2004-ta, iyadoo xilligaas la sheegay in uu u dhintay dhibaato ka dhalatay dhiigga oo fariistay.

Laakin sanad ka hor ayaa la soo faagay maydkiisa, iyadoo xilligaas ay soo baxeen eedeymo muujinayay in laga yaabo in la sumeeyay.

Maaddada Bolooniyam-ka ayaa laga helaa jirka aadanaha, laakin waa dilaa halis ah haddii ay qofku ku badato.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan