Shrikii Jubbooyinka oo lagu heshiiyay

Madobe
Dowladda iyo maammuulka Jubbooyinka ayaa horey heshiis u saxiixday

Afar maalmood oo shir ah kaddib ayaa ergadii shirka Jubbooyinka waxay ku heshiiyeen in la fuliyo qodobbadii Addis Ababa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maammulka kumeel gaarka ee Kismaayo ayaa horey heshiis ugu saxiixday magaalada Addis Ababa.

Waxay ku heshiiyeen in la qarameeyo dhamaan ciidammada ku sugan magaalada iyo daafaheeda.

Ka hor heshiiskan, dagaal ballaaran ayaa ka dhacay magaalada oo ay isaga soo horjeedeen dhinacyo ku loollamayay gacan ku hanynta magaalada.

Buuq ayaa hareeyay saxiixidda heshiiskan, iyadoo ergada qaarkood ay ka dareereen shirka.

Waxay ka cabanayeen inaan laisu dheeli tirin xubnaha ka kala socday labada dhinac ee heshiiska saxiixday.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxa maammulka KMG ee Jubbooyinka ayaa gadaal dambe ku qanciyay inay dib ugu noqdaan shirka.

Hashiiska waxaa saxiixay lix xubnood oo ka socda maammulka Jubbooyinka iyo lix kale oo ka socotay dhinacyadii kale ee shirka ka qeyb qaatay.