BBC navigation

Sacuudi oo xirayo dadka sharci darrada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Novermber, 2013, 05:17 GMT 08:17 SGA
Saudi

Dalka Sacuudiga waxaa lagu qabqabanayaa ajnebiga sharci darrada ku jooga.

Boliiska Sacuudiga ayaa billaabay inay qabqabataan kumannaan shisheeye ah oo sharci darro ku jooga dalkaas.

Arrintan ayaa ka imanayso maalin kaddib markii uu dhammaaday xilligii loo qabtay in dadka sharci darrada ku jooga dalkaas ay baxaan.

Dalka Sacuudiga ayaa Isbedello ku sameeyay sharciga shaqaalaha dalkaas.

Taas waxay keentay in kumanaan ruux oo ajnebi ah oo dalkaas ka shaqeysan jiray ay baxaan bilihii ugu dambeeyay.

Malaayiin ruux

Ku dhowaad hal milyan oo ruux oo ka soo jeeda dalalka Bangaladesh, Filipin, Hindiya, Nebal, Bakistaan iyo Yamen ayaa lagu qiyaasay in sadaxdii bilood e ugu dambeeyay ay Sacuudiga ka baxeen.

Afar milyan oo kale ayaa la siiyay warqado sharci ah oo ay ku shaqeynsan karaan.

Saudi

Ajnebiga sharci darrada ku jooga Sacuudiga ayaa soo baxayay bilihii ugu dambeeyay

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqaalaha ee Sucuudiga Mifrij Al Xaqbani, ayaa sheegay in aysan bartilmaameedsaneynin oo keliye shaqaalaha ajnebiga ah, balse ay sidoo kale baari doonaan shirkadaha sharciga jebiyay.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay rajeynayso in tallaabadan ay dadkeedu fursado shaqo ku heli doonaan.

Dalka Sacuudiga waxaa ku nool boqolaal Soomaali ah oo halkaas ku tegay si sharci darro ah.

Axmed Cali oo BBC-du la hadashay isagoo dhuumaalaysanayo ayaa sheegay inay rajaynayaan in arrintan ay soo afjarmi doonto dhowr toddobaad kaddib.

Sacuudiga waxaa ka shaqeysto kumanaan ruux oo ajnebi ah, oo badigoodu qabto shaqooyinka aany ka shaqeyn dadka u dhashay dalkaas.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.