"Tahriibayaal" ku dhintay Saxaraha Niger

  • 31 Oktoobar 2013
Niger
Saxaraha Niger

Shaqaalaha gurmadka Niger ayaa helay maydadka 87 ruux oo tahriibayay oo haraad ugu dhintay Saxaraha kaddib markii ay cillad ku timid baabuurkii ay ku safrayeen.

Almustapha Alhaken, oo ka tirsan kooxaha bad baadinta ayaa sheegay in meydadka ay ahaayeen kuwo muddo yaallay, una muuqday in qaarkood qeyb ahaan la cunay.

Meydadka ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin tahriibayaal iyo qoysaskooda, waxaana ay u badnaayeen haween iyo carruur.

Wadanka Niger ayaa marriin u ah dadka Afrikaanka ah ee u tahriibo Yurub.

Tahriibayaasha dhintay ayaa la aaminsan yahay in uu gaariga ka jabay dabayaaqadii bishii September ama horraantii bishan October.

Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah dadkii tahriibka ahaa ay dib ugu soo laabteen deegaanka Arlit, si ay uga warbixiyaan dadkii ay kasoo tageen.

Alhaken ayaa sheegay in meydadka ay ku jiraan ugu yaraan 48 carruur ah.

Ma cadda wadamada ay ka kala yimaadeen dadkaas ku dhintay Saxaraha Niger.