BBC navigation

Basaasidda Maraykanka oo Spain gaartay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Oktoobar, 2013, 06:18 GMT 09:18 SGA
Snowden

Edward Snowden ayaa ah ninka bixiyay sirta sirdoonka Maraykanka

Warbaahinta dalka Spain ayaa shaacisay warar sheegayo in sirdoonka Maraykanka ay muddo bil gudaheed ah ku dhageysteen telefoonnada 60 milyan oo oo ruux oo kunool dalkaas.

Wargeysyada waxay sheegayaan in faahfaahinta wararkani ay ka heleen qoraallo uu shaaciyay ninka baxsadka ah ee ka tirsanaan jiray sirdoonka Maraykanka ee Edward Snowden.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Spain ayaa u yeeray Safiirka Maraykanka u fadhiyo Madirid, waxayna ka wada hadli doonaan eedeymahan ugu dambeeyay.

Midowga Yurub

Warkan ayaa soo baxayo iyadoo baarlamaanka Midowga Yurub la filayo in uu kulan la yeesho mas'uuliyiinta nabadsugidda ee Maraykanka iyo xubno ka socda aqalka Kongres-ka.

Waxay ka wada hadli doonaan wararka sheegayo in Maraykanka uu basaasay madaxda iyo dadweynaha reer Yurub.

Hogaamiyaha Jarmalka Anjela Merkel ayaa iyaduna Washington u dirayso saraakiil ka socota sirdoonka dalkeeda kaddib wararka sheegayay in sirdoonka Maraykanka ay telefoonkeeda gacanta dhagaysanayeen muddo 10 sano ah.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.