BBC navigation

Qaraxyo ka dhacay Baqdaad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Oktoobar, 2013, 10:40 GMT 13:40 SGA

Suuqyada Ciraaq ayaa lala beegsadaa qaraxyada iyo meelaha dadka ay ku badan yihiin.

Qaraxyo Bombaano oo ka dhacay magaalo madaxda Ciraaq ee Baqdaad ayaa dilay ugu yaraan soddon iyo siddeed qof, waxuuna dhaawacay in ka badan boqol qof.

Boliiska ayaa sheegay in qaraxyada ay ku qarxeen xaafad Shiicada waqtiyo isku dhow. Meelaha qaraxa lala beegsaday waxaa ka mid ah suuq aad loo buuxo iyo saldhig baska laga raaco.

Qaraxyada ka dhaca Ciraaq ayaa gaaray heerkii ugu xumaa mudo shan sano ah.

Wariyaha BBC ee Baqdaad, ayaa sheegay in ilaa afar boqol oo qof la dilay bishan. Wuxuu sheegay weerarka in lala beegsaday dadka Shiicada iyo Sunniga laga tirada badan yahay, taasoo keentay cabsi in lagu noqdo dagaal madhab ku salaysan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.