Shir ballaaran oo looga hadlayo Suuriya

  • 22 Oktoobar 2013
Ibrahimi
Dhexdhexaadiyaha Qaramada Midoobay ee Suuriya Al Akhdar Ibraahimi

Wasiirrada arrimaha dibedda ee carabta iyo waddamada reer galbeedka ayaa magaalada London shir kula leh mas'uuliyiin ka socota mucaaradka Suuriya.

Mid ka mid ah uururrada ugu muhimsan ee mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in uusan ka qeybgali doonin shirka lagu wado in dowladda iyo mucaaradka loogu qabto magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Guddiga Qaran ee Suuriya ayaa sheegay in uusan doonayn in wax wada hadal ah uu la galo dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka la magac baxay saaxibada Suuriya ayaa doonaya inay mucaaradka ku dhiiri geliyaan inay midoobaan.

Syria
Dagaalka Suuriya ayaa sababay burbur ballaaran

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry oo shirka ka hor hadlayay ayaa sheegay in mucaaradka Suuriya aanay marnaba aqbali doonin in madaxweyne Bashar Al-Asad uu awoodda sii hayo.

"Hadii madaxweyne Asad uu u malaynayo in in dhibaatada lagu xallin karo in uu mar kale doorasho u tartamo, waxaan u sheegayaa in dagaalka uusan soo afjarmi doonin," ayuu yiri Kerry.

Madaxweyne Bashar Al-Asad ayaa u sheegay TV laga leeyahay dalka Lubnaan in aanay jirin sabab ka hortaagan in uu u tartamo doorashooyinka la qaban doono sanadka 2014-ka.

Al-Asad ayaa u sheegay TV-ga Al-Manaar in dowladdiisu ka qeyb qaadan doonto shirka Geneva.

Ciidammada dowladda Suuriya ayaa muddo sanad ka badan dagaal kula jira mucaaradka hubaysan ee doonaya in xukunka ay ka ridaan madaxweyne Bashar Al-Asad.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan