BBC navigation

Qarax ka dhacay Hama

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Oktoobar, 2013, 15:13 GMT 18:13 SGA

Qaraxa ka dhacay Hama ayaa dilay ilaa soddon askari.

Baabuur ayaa ku qarxay bartamaha magaalada Hama ee Suuriya, iyadoo ay dhinteen ugu yaraan soddon qof. Wakaalada wararka ee dowladda ayaa sheegtay in baabuur uu ka buuxo hal iyo bar tan oo waxyaabaha qarxa ah, uu ku qarxay bariga Hama jid wayn oo ay baabuur ka buuxdo.

Weerarka ayay dowladda ku eedeysay inay ka danbeeyeen argagixiso. Dadka ololeeya ayaa sheegaya in baabuur uu ku qarxay fariisimo milatari, dadka dhintayna ay yihiin askar. Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii mucaaradka ay bambaano ku weerareen Dimishiq oo ay ku dhinteen lix iyo toban qof.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.