Israel oo heshay jid dhulka hoostiisa

  • 13 Oktoobar 2013
Jidka dhulka hoostiisa ee ay heshay Israel waxaa ilaalinaya ciidamada Israel.

Israel ayaa joojisay alaabada dhismaha ee u socota Qasa, kadib markii ay heleen god dhulka hoostiisa oo ka imaanaya Qasa ilaa Israel.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in jidka oo dhererkiisa ahaa in ka badan 1500 oo mitir, ay qodeen mintidiin falastiiniyiin ah si ay weerar ama afduub uga sameeyaan Israel.

Kooxda Islaamiyiinta ee Xamaas ee maamusha Qasa, ayaa sheegtay in Israel ay arrinta wayneenayso iyadoo u raadinaysa sabab xayiraada ay saartay Qasa. Bishii hore ayay Israel dabcisay xayiraada alaabada dhismaha ee la keeno Qasa.

Jidka dhulka hoostiisa ayaa waxaa helay reero ku nool Kibbutz, oo u dhow xuduuda Qasa ee aadka loo ilaaliyo iyagoo ka shakiyay dhawaaq badan oo dhulka ka imaanayay.