BBC navigation

Dabaylo xoogan oo ka dhacay Hindiya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Oktoobar, 2013, 09:51 GMT 12:51 SGA

Malaayiin qof ayay saamaysay dabaylaha Hindiya.

Kooxaha maareeya masiibooyinka ee Hindiya ayaa bilaabay howlahooda gargaarka, kadib markii dabaylaha Cyclone Phailin ay burburiyeen gobolo bariga, fatahaadana u keenay magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxaha gargaarka loo diray Orissa iyo Andhra Pradesh, si ay u badbaadiyaan dadka ku dhex jira burburka.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa dhintay oo badankood geedo ku soo dhaceen. Wariyaha BBC ayaa sheegay in daadgurayntii ugu wayneed taariikhda Hindiya ay badbaadisay nolol, qasaarahana yaraysay.

Qasaaraha intuu la'egyahay lama oga sababtoo ah waxaa go'an korantadii iyo isgaarsiintii.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.