Midowga Afrika oo ku kulmaya Addisababa

  • 12 Oktoobar 2013
Xarunta Midowga Afrika ay ku kulmayaan.

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ku kulmaya magaalo madaxda Addisababa shir xooga lagu saarayo xiisad ka taagan maxkamada caalamiga ee danbiyada.

Gudoomiyaha Midowga Afrika, ayaa la filayaa inay waydiisato Qaramada Midoobay in dib loo dhigo dacwadaha hogaamiyayaasha Afrikaanka ee talada haya ilaa ay xukunka ka degaan, sidda ay ku taliyeen wasiirada arrimaha dibadda ee Afrkaanka.

Talaabadan ayaa saamaynaysa madaxweynayaasha Kenya iyo Sudan ee Uhuru Kenyata iyo Cumar al Bashir, oo lagu eedaynayo danbiyo ka soo horjeeda biniaadanka.