Dowladda Tunisiya oo xukunka ka dagaysa

  • 28 Sebtembar 2013
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda iyo kuwo lagu taageerayo ayaa ka dhaca magaalo madaxda.

Masuuliyiinta Tunisiya ayaa sheegay in dowladda Tunisiya ay ogolaatay inay xukunka ka degto toddobaadyo gudahood, iyo in la sameeyo dowlad ku meelgaar ah kadib markii uu dhamaaday wadahadalka ay la lahaayeen mucaaradka.

Wadahadal lagu samaynayo dowlad ku meelgaar ah ayaa bilaabanaya Isniinta.

Heshiiska in la bilaabo wadahadal u dhaxeeya xisbiga talada haya ee islaamiyiinta ee Ennahda iyo mucaaradka, ayaa waxaa dhexdhexaadinayay ururka shaqaalaha ee ugu wayn Tunisiya ee (UGTT).

Wadahadalka ayaa ujeedadiisu tahay in lagu dhameeyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee Tunisiya, kadib markii la dilay siyaasi mucaaradka bishii July, iyadoo lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen mintidiin Islaamiyiin ah.