Dhawr iyo labaatan ku dhintay muddaaharaadyada Sudan

  • 26 Sebtembar 2013
sudan demo
Muddaharaadyada Sudan

Iska horimaadyo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Sudan ayaa waxa ku dhintay magaalada Khartoum dhawr iyo labaatan qof, waxana ku dhaawacmay ilaa 80.

Dhakhaatiirta cusbitaalladu waxay sheegeen in dhaawacyadaasi ay yihiin xabbado ku dhacay. Bileysku waxa kale oo ay isticmaaleen qiiqa dadka ka ilmaysiya.

Muddaharaadyadani ka dhashay lacagtii lagu kaabi jirey shidaalka oo la joojiyey, waxay noqdeen kuwa dhibaatooyin weyni ka abuurmeen oo isku bedeley qas iyo iska horimaadyadii ugu waaweynaa ilaa intii madaxweynaha haatan Cumar al-Bashiir uu xukunka dalka Sudan ku qabsaday inqilaab milateri sannaddii 1989. Dadka muddaharaadyayna waxay ku baaqayeen ereyo ah 'ha dhacdo dawladdu', weedhaha noocan ah oo inta badan laga soo dheegto halkudhegyada kacdoonadii dalalka Carabta ka socdey beryahan.

Magaalada Khartuum iyo magaalooyinka kale waxa aad ugu faafay debedbaxyo iyo buux fara badan, waxayna gaadheen ilaa degaannada Udurmaan ee dhinaca kale ee webiga Niilka.

Waxana lagu soo warramayaa in booliska dalkaasi uu gacan bir ah kala hortegey muddaharaadyadaas, lana xidhay dugsiyadii, laguna amray jara'aidku in aanay wax ka qorin arrimahani. Adeegyada Internetka ayaa iyaguna dhawr saacadood la xannibay, in kasta oo aan la hubin in dawladdii amarkaas ay bixisay.

Warbaahinta kale ee bulshada ayaa dadweynuhu si weyn u isticmaalayeen oo ay ku wada xidhiidhayeen, iskuguna gudbinayeen farriimaha.

Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashiir waxa uu isagu ku eedeeyey kooxaha mucaaradka ahi inay ka danbeeyeen muddaharaadyadan oo ay daka kicinayaan.