Hogaamiye Taliban oo la sii daayay

  • 21 Sebtembar 2013
Mullar Baradar
Mullar Cabdull Qani Baradar ayaa lagu xiray Pakistan 2010kii.

Mullah Baradar, wuxuu ka mid yahay dadkii aasaasay Talibanka Afganistan.

Wuxuu ahaan jiray ku xigeenka hogaamiyaha Taliban ee Mullah Moxamed Cumar.

Sirdoonka Pakistaan ayaa ka soo qabtay magaalada Karachi 2010kii bishii Febraayo.

Waxaa jira warar sheegaya in dowlada Afganistan ay la kulantay Mullah Baradar, si uu gacan uga gaysto la xiriirka hogaamiyayaasha sare ee Taliban.

Xiritaanka Mullah Baradar ayaa ka xanaajiyay masuuliyiinta Afganistan, oo ku eedeeyay Pakistan inay hor istaagayso dadaalka dib u heshiisiinta.

Ku dhawaaqida xabsi kasiidaynta hogaamiya Talibaan ayaa loo arkaa mid lagu dhisaayo kalsoonida.

Afganistan ayaa soo dhawaysay sii daynta, waxayna rajaynaysaa inay ka caawin doonto nabad ku dhamaynta dagaalka Afganistaan.

Laakiin dadka qaar ayaan hubin, saddex sano kadib oo uu hagaamiyaha Talibaan ku xirnaa xabsiga Pakistan, lama hubo saamaynta iyo kalsoonida uu Mullah Baradar uu wali ku leeyahay madaxda sare ee talibaanka Afganistan.