Heshiiska Hubka Suuriya

  • 14 Sebtembar 2013
John Kerry iyo Sargei Lavrov.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, ayaa bixiyay faaffaahin la xiriirta qorshe sidii hubka kiimikada ee Suuriya loo soo galin lahaa gacanta beesha caalamka.

Mr Kerry, ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in si wada jir ah ay u darsaan inta uu le egyahay iyo noocyada hubka kiimikada ee ay haysto dowladda Suuriya, ayna diyaar u yihiin in hubka la baabi'iyo si amaan ah.

Wuxuu sheegay inay tahay in Suuriya ay dhiibto liiska hubka ay haysato toddobaad gudaheed, ayna ogolaato in baaritaan lagu sameeyo bisha November. Ujeedada ayaa waxay tahay in hubka kiimikada ee Suuriya la baabiiyo marka la gaaro bartamaha sanadka 2014ka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, ayaa sheegay in qorshaha lagu heshiiyay laga reebay in xoog milatari la isticmaali doono hadii aysan Suuriya aqbalin qorshaha.

Dhinaca kale, madaxa qaybta milatariga ee mucaaradka Suuriaya General Selim Idris, ayaa diiday heshiiska Ruushka iyo Maraykanka ee hubka kiimikada ee Suuriya.

Shir jaraaid oo uu ku qabtay Turkey, ayuu Genenal Idris ku sheegay in heshiiskan uusan xalinayn xaalada Suuriya, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan halgankooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka uu ka socdo duleedka Dimishiq. Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradaha Suuriya ay weerar qaadeen.