BBC navigation

Amnesty oo ka walaacsan barakacayaasha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 September, 2013, 08:51 GMT 11:51 SGA

Magaalada Muqdisho waxa ku sugan kumanaan dad oo barakacay

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa difaacay siyaasadda ay sida xoogga ah dadka barakacay uga saarayaan bartamaha agaalada caasimadda ee Muqdisho.

Kooxda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International, ayaa sheegtay in tobanaan kun oo qof in loo raray duleedka magaalada, halkaasi oo weriye BBC ka tirsan uu sheegay inay aad ugu nugul yihiin weerarro uga yimaada kooxaha Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah.

Amnesty waxa ay sheegtay in laba qof lagu dilay intii dadkaasi laga bixinayay xeryaha.

Sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee Muqdisho ayaa BBC u sheegay inay danta qaranka ay hormarsiinayaan.

Dowladda ayaa waxa ay dooneysaa inay dib u dhisto inta badan magaalada burburtay kadib dagaal dhawr iyo labaatan sano ka socday.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.