Shabaab: Madaxweynaha ayaan weerarnay

  • 3 Sebtembar 2013
Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marka u tegay si uu uga qeybqaato shir lagu heshiisiinayo beelo dagaallamay

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen babuur la socotay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay sheegeen in weerarka uu ka dhacay waddada u dhexaysa Muqdisho iyo Marka.

Hoobiyayaal ayay sheegeen inay ku weerareen baabuurta la socotay madaxweynaha oo ku sii jeeday xilligaas magaalada Marka.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tegay in uu kaga qeybgalo munaasab lagu heshiisiinayo laba beelood oo dagaallamay.

Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay warkaas, waxa uu sheegay in hal askeri uu kaga dhintay shil baabuur oo waddada ka dhacay.

Al Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee koonfurta Soomaaliya, balse waxay weli geystaan weerarro gaadmo ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan