BBC navigation

Heshiis laga gaadhay gobollada Jubbooyinka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Agoosto, 2013, 18:54 GMT 21:54 SGA

Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo maamulkii gobollada Jubbooyinka ee uu hogaaminayay Sh Axmed Islaam Madowbay ayaa ku saxiixay magaaladda Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya heshiis lagu abuurayo maamul loo bixiyay maamulka ku-meel-gaarka ee Jubba.

Heshiiska Kismayo

Heshiiska Kismayo

Hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ayaa waxaa uu madax u noqonayaa maamulka saddexda gobol ee kala ah Jubbadda Hoose, Jubbadda Dhexe iyo Gedo, labada sano ee soo socota. Waxuuna hoggaamiyahaasi magacaabaya godoomiyeyaasha goboladaasi.

Waxaa sidoo kale meliishiyoonka hubaysnaa ee gobolladaasi lagu darayaa ciimadda qalabka sida ee dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana la qaban doonaa laba shir oo lagu kala qabanayo magaalooyinka Muqdishu iyo Kismaayo si lagu dhameystirayo maamulka, lagana qeyb galiyo qeybaha kale ee bulshada.

Maamulida dekadda Kismaayo iyo garoomadda Diyaaradaha ayaa muddo lixbilaad ah ka dib waxaa lagu wareejinayaa dowladda Federaalka Somaaliya, si ay dhakhilga loogu sameeyo nidaam isla markaasina looga wada faa'iideysaan dhamaan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.