Kerry: Suuriya waxay adeegsatay kiimiko

  • 27 Agoosto 2013
Suuriya
Ciidammada taageersan madaxweyne Bashar Al Asad

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa dowladda Suuriya ku eedeeyay inay adeegsatay hubka kiimikada.

John Kerry ayaa sheegay in dowaladda madaxweyne Bashar Al Asad ay adeegsatay gaaska sunta ah oo toddobaad ka hor lagu weeraray duleedka Dimishiq, caasimadda dalkaas.

Waa hadalkii ugu kululaaa ee ka soo baxa Maraykanka tan iyo markii uu dhacay weerarka hubka kiimikada.

Weriye ka tirsan BBC-da oo jooga Washington ayaa soo sheegaya in maammulka Obama uu u muuqda in uu u durbaan tumayo in uu qaada tallaabo milateri oo ka dhan ah Suuirya.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo baarayaal ka socda Qaramada Midoobay ay baarayaan goobta la sheegay in lagu weeraray hubka kiimikada, duleedka magaalada Dimishiq.

Maalintii Isniinta ayay kormeerayaasha Qaramada Midoobay waxay billaabeen inay baraan goobtaas la sheegay inuu ka dhacay weerarka kiimikada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan