Siyaasi u dhalatay Sweden oo la weeraray

  • 22 Agoosto 2013
Soomaaliya
In kasta oo ammaanka Muqdisho uu soo hagaagaya haddana ma aha mid lais ku halayn karo.

Siyaasi u dhalatay Sweden ayaa lagu weerary magaalada Muqdisho.

Waxaa halkaas lagu dilay dadkii la socday, iyadana waa la dhaawacay

Ann-Margarethe Livh ayaa ka soo laabatay meel jaamacad ah oo ay hadal ka soo jeedisay markii la weerarayay.

Hadalka ay jeedisay waxaa uu la xiriiray dowlad wanaagga.

Dabley hubaysan ayaa soo weeraray gaariga ay wadatay, waxaana halkaas ku dhintay nin ilaalinayay iyo nin kale oo turjumaan ahaa.

Ma jirta cid sheegatay weerarkan, laakin ururka Al-Shabaab ayaa weerarro dhuumaalysi ah ka wada magaalada Muqdisho, in kasta oo ay magaaladu ka baxeen.

Weriyaha BBC ee Muqdisho ayaa sheegay in dhacdooyinka ammaan darro ay ku soo badanayeen magaalada Muqdisho bilihii ugu dambeeyay.