BBC navigation

Askar lagu dilay gacanka Sinai ee Masar

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Agoosto, 2013, 15:33 GMT 18:33 SGA
Masar

Ugu yaraan 24 askeri ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gacanka Sinai ee Masar.

Saraakiisha ammaanka ee Masar ayaa sheegay in ugu yaraan 24 boolis ah lagu dilay weerar ka dhacay gacanka Sinai.

Maleeshiyaad Islaami ah ayaa looga shakisan yahay in ay kamiin u dhigeen labo gaari oo ay ku safrayeen ciidammada booliska meel ka baxsan magaalada Rafax.

Waxaa la kordhiyay ammaanka gacanka iyadoo la xiray xuduudda looga gudbo Qasa ee Rafax.

Weerarrada ay maleeshiyaadka ka geysanayaan Sinai ayaa korortay tan iyo markii jagada laga qaaday Maxamad Mursi bishii la soo dhaafay.

In ka badan 70 ciidammada ammaanka iyo tiro intaa la eg oo ah, waxa ay militariga Masar ku tilmaameen, kooxo argegixiso ah ayaa la dilay lixdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Midowga Yurub

Diblumaasiyiin ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxa ay maanta kulan degdeg ah ku lahaayeen magaalada Brussels si ay uga wadahadlaan sida ay Yurub uga jawaabcelin karto dhibaatada ka taagan gudaha dalka Masar.

Midowga Yurub waa deeqbixiyaha ugu weyn ee Masar ee gargaarka aan militariga ahayn.

Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in qaar ka mid ah waddammada xubnaha ah ay rumeysan yihiin in uu jiro waajib akhlaaqi ah oo ku aadan in ay diraan farriin cad oo ka tarjumaysa in Midowga Yurub aanay ku qanacsaneyn xadgudubyada.

Waxa kale oo ay sheegeen inay danaynayaan in Midowga Yurub aanay lumin xiriirka ay la leeyihiin mas'uuliyiinta Masar.

Dhamaan wasiirrada arrimaha dibedda ee 28-ka xubnood ee Midowga Yurub ayaa waxa ay qorsheynayaan in ay yeeshaan kulan degdeg ah maalinta Arbcada si ay dib u eegid ugu sameeyaan xiriirka ay la leeyihiin Masar.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.