Caalamka oo cambaareeyay dilka Masar

  • 15 Agoosto 2013
Rabshadaha Masar
Waxaa lais ku khilaafsan yahay tirada dadka ku dhintay rabshadihii ka dhacay dalka Masar.

Dowladaha caalamka ayaa cambareeyay dilka iyo rabshadaha Masar, iyadoo xaalad degdeg ah iyo bandow lagu soo rogay dalkaas.

Boolsika iyo miltariga masar ayaa dhaqangelinayay bandow xalay lagu soo rogay 14 gobol oo ka tirsan Masar.

Ciidanka boliiska ayaa Arbacadii xoog ku kala diray dibedbaxayaashii taageersanaa madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.

Wasaarada caafimaadka ayaa shegtay in 235 ruux ay ku dhinteen rabshadihii guud ahaan ka dhacay dalka Masar.

Ururuka Ikhwaanul Muslimiinka oo uu ka tirsan yahay Mursi ayaa sheegaya in dhimashada ay kor u dhafaysa 2,000 oo ruux.

Waxaa soo baxeeysa cambaareyn caalami ah oo ka dhan ah tallaabada ay dowladda taageerada ka helaysa militeriga ay qaadday.

Ra'iisalwasaaraha Turkiga ayaa ku tilmaamay waxa ka dhacay Masar inuu ahaa "xasuuq".

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay in dhacdooyinkaasi ay dib u dhac ku yihiin kacdoonkii dalkaas ka dhacay sandkii 2011-ka, ee xukunka looga tuuray madaxweynihii ka horreeyay Mursi ee Xusni Mubarak.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan