Doorashada Zimbabwe oo la dhaliilay

  • 1 Agoosto 2013
Mugabe
Mugabe ayaa markii toddobaad u tartamaya inuu noqdo madaxweyne

Ra'iisalwasaaraha Zimbabwe ee la tartamayay madaxweyne Robert Mugabe ayaa sheegay in doorashooyinka ay yihiin kuwa lagu qoslo.

Kooxda ugu weyn ee kormeerayay doorashooyinka Zimbabwe ayaa iyaguna sheegay in codbixinta aany ahayn mid lagu kalsoonaan karo.

Kooxdan oo loo yeqaanno Shabakadda Taageeridda doorashooyinka Zimbabwe ayaa sheegtay in hal milyan oo ruux, oo intooda badan ku nool magaalooyinka, laga celiyay inay codeeyaan.

Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan casimadda dalkaas ee Harare ayaa sheegaya in taageerayaasha Ra'iisalwasaare Morgan Tsavangirai ay u badanyihiin magaalooyinka.

Morgan Tsvangirai ayaa sheegay in la bahdilay taageerayaashiisa.

Mas'uul ka tirsan xisbiga Mugabe ee Zanu-PF ayaa sheegay inay ku guulaysteen doorashooyinka, in kasta oo natiijadu aanay weli soo bixin.

Waxaa haatan socota tirinta codadka, naatiijada ayaana la sheegayaa in la ogaan doono shan maalmood kaddib.

Robert Mugabe, oo ah madaxweynaha ugu da'da weyn Afrika, ayaa ku jira tartanka.

Waxaa uuna sheegay in uu xilka ka degi doono haddi laga guulaysta.

Mugabe ayaa dalkaasi ka talinayay muddo 33 sano ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan