BBC navigation

Taliyaha Masar oo ku baaqay dibedbaxyo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Luulyo, 2013, 12:30 GMT 15:30 SGA
Cabdilfataax al-Sisi

Taliyaha militeriga ayaa ku baaqay dibedbaxyo lagu taageerayo hanaanka cusub ee Masar.

Taliyaha militeriga Masar ayaa ku baaqay dibedbaxyo awood u siinayo inuu ka hortago waxa uu ugu yeeray "argegixisada"

CabdilFataax al-Sisi, oo sidoo kale ah ra'iisalwasaare kuxigeenka Masar iyo wasiirka difaaca ayaa ugu baaqey dadka reer Masar inay isku soo baxaan maalinta Jimcaha.

Waxa uu sheegay in taasi ay fasax u siin doonto militeriga iyo boliiska inay ka hortagaan qalalaasaha iyo argegixisada.

Mas'uul sare oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku gacanseyray baaqa al-Sisi.

Waxaa uu sheegay in hadalka al-Sisi uu yahay digniin, laakin uusan ka celin doonin in muddaaharaadyada ay sii wadaan.

Militeriga waa mideysan yahay

Taagerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar ayaa toddobaadkii afaraad wado dibedbaxyo ay ku dalbanayaan in Maxamad Mursi xilka lagu soo celiyo.

Cabdifataax al-Sisi ayaa ka khudbaynayay xaflad qalinjebin ah oo loo qabtay askar uu u dhamaaday tababar militeri.

Al-Sisi waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in militeriga Masar ay kala qeybsan yihiin.

Mar uu ka hadlayay waxa ku kallifay inuu xilka ka qaado madaxweynihii hore ayaa waxa uu sheegay in Mursi uu diiday inuu madaxweyne u noqdo dadka reer Masar oo dhan.

Xiriirrada macnaha ka dhexeeya

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.