Dad ku dhintay iskahorimaadyada Masar

Masar
Kaaliyaha xoghaya arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa la kulmay madaxweynaha KMG ee Masar

Toddobo ruux ayaa ku dhimatay Iskahorimaadyo dhexmaray boliiska iyo taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.

Boliiska ayaa sunta dadka kaga ilmaysiiso u adeegsaday taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday oo xiray waddo muhiim ah oo ku taalla Qaahira.

Boqoalaal kun oo ka mid ah taageerayaasha Maxamad Mursi ayaa bartamaha Qaahira isugu soo baxay, iyagoo ku baaqayo in Mursi xukunka dib loogu soo celiyo.

Isku dhacyadan ayaa imaanaya wax yar kaddib markii sarakaal sare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka ugu baaqay xoogagga ammaanka in aanay adeegsan awood dheeri ah.

Mar uu hadlayey kaddib markii uu la kulmay hoggaamiyayaasha xukuumadda cusub ayaa William Burns waxa uu sheegay in Masar la siiyey fursad labaad kaddib markii militerigu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi.

Waxa uu sheegay in haatan ay jirto fursad lagu sixi karo khaladaadkii dhacay labadii sano ee ugu dambeeyey.

Maraykanka ayaa horey ugu baaqay in la sii daayo madaxweynaha xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi, hasa ahaatee, Burns ma ka hadlin arrintaas.