Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

  • 9 Luulyo 2013
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya
Cabdikarim Xuseen Guuleed waxaa uu hoggaaminayaa wafdiga dowladda Soomaaliya

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa weli ka socda kulammada mas'uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wadaxaajoodkii shalay ayaa gaaray xilli dambe habeenkii, Iyadoo qodobka gooni isu taagga Somaliland la isku mari la'yahay.

Shirkani waxaa uu daba socdaa shir saddex bilood ka hor isla dalka Turkiga ka dhacay oo labada dhinac ay yeesheen.

Waxay ku heshiiyeen iskaashi dhanka ammaanka iyo ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, oo hoggaaminaya wafdiga dowladdiisa, ayaa horey u sheegay in miiska ay gaynayaan arrinta gooni isu taagga Somaliland.

Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka".

Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni isu taagga sanadkii 1991, xilligaasi oo Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo sokeeye oo ku dhisnaa qaab qabiil.