BBC navigation

Masar oo madaxweyne cusub loo dhaariyey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Luulyo, 2013, 14:42 GMT 17:42 SGA
Militeriga Masar

Militeriga Masar ayaa xukunka ka tuuray Maxamad Mursi

Guddoomiyaha maxkamadda destuuriga, Cadli Mansur, ayaa loo dhaariyey xilka madaxweynaha dalka Masar.

Tani ayaa imaanayso kaddib markii militeriga uu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi, oo ah madaxweynihii ugu horreyay oo si dimuqraadiyad ah loo soo doortay.

Militeriga ayaa sidoo kale sheegay inay meesha ka saareen destuurka dalka Masar, oo sanadkii hore la ansixiyay.

Taageerayaasha Mursi ayaa tallabadan ku gacansayray, waxayna sheegeen inay tahay afgembi ay militeriga ku kaceen.

Waxa weli sii soconaya dibedbaxyada looga soo horjeeda Mursi, iyo kuwa lagu taageersanyahay, oo ka dhacaya dalka oo dhan.

Madaxweyne Barack Obama

"Waan ka xumahay go'aanka militeriga ee xukunka looga tuuray Mursi"

Afhayeen u hadlay xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda ee Mursi ayaa sheegay in taageerayaasha xisbiga ay ka hortagi doonaan isku dayga ah in dib loo celiyo dimuqraadiyadda dalkaas.

Mucaaradka ayaa soo dhaweeyay tallabada militeriga, waxayna ku doodayaan in Mursi uu ku fashilmay maammulidda dalka mudadii sanadka ee uu xilka hayay.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ka xunyahay waxa ka dhacay dalka Masar.

Dowladda Maraykanka oo kaalmada dhaqaale ee ugu badan siiso dalka Masar, ayaa sheegtay inay dib u eegayso arrintaasi.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.