BBC navigation

Talibaan oo weerartay madaxtooyada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 June, 2013, 05:01 GMT 08:01 SGA
Talibaan

Dagaalyahanka Talibaan aya weeraray madaxtooyada Afqanistan

Taliyaha boliiska dalka Afqanistan ayaa sheegaya in ay dileen dhamaan dagalyahannadii weerarka ku soo qaaday madaxtooyada.

Weerarkani ayaa lagu tilmaamay kii ugu halista badnaa tan iyo markii Talibaan xukunka laga riday 12 sano ka hor.

Weerarkani dagaalyanka Islaamiyiinta ay ku qaadeen madaxtooyada ayaa immaanaya xilli uu Maraykanku sheegay in uu wadahadallo la furayo ururka Talibaan.

Dhowr qarax ayaa ka dhacay mid ka mid ah irridaha laga galo aqalka madaxtooyada , iyadoo qiiq madow laga arkayay dhowr guri oo aagasi ku yaalla.

Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah goob ay adeegsanayeen sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Weerarka madaxtooyada ee Talibaan

"Dagaalyahannadii Talibaan ee weerarka soo qaaday dhamaantood way dhinteen"

Taliyaha Boliiska Afqanistan

Weriye ku sugan magaalada Kabul ayaa sheegay in hoobiyayaal lala dhacay xarunta CIA-da, iyadoo ciidammada Maraykanka ee halkaasi ku suganna ay qaadeen weerar rogaal celin ah.

Ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Afqanistan Xaamid Karzai ayaa la sheegayaa inay ka qeyb qaateen difaaca madaxtooyada.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.