BBC navigation

Maraykanka oo la hadlaya Taalibaan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 June, 2013, 13:39 GMT 16:39 SGA
Taalibaan

Xafiiska Taalibaan ee Qadar laga furay

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay rajaynayso in wadahadallo ay la yeelato ururka Taalibaan ee dalka Afqanistan.

Kulankan hadii uu suuragalo, waxaa uu noqonayaa kii ugu horreeyayay oo toos ah oo dhexmara Maraykanka iyo Taalibaan.

Maraykanka ayaa sheegaya in kulanka u dhexeeya labada dhinac la filayo in la qabto dhawrka maalmood ee soo socda.

Kulan ay yeesheen xubno ka socda Taalibaan iyo guddiga sare ee nabadda ee madaxwaynaha Afqanistaan Xaamid Karzay ayaa arrintan looga hadlay.

Sargaal u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in wadahdaladan ay ka dhici doonaan waddanka Qadar, halkas oo Taalibaanku ay sheegeen in ay xafiis ka furteen.

Maraykanka ayaa sheegay in uu shuruud ku xiray wadahadalka Talibaan, taas oo ah in ay ballan qaadaan in dhulka Afqanistan aan loo adeegsan doonin in laga weeraro waddammada kale ee dunida.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.