BBC navigation

Khilaafka Kismaayo oo Kenya lagu eedeeyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 June, 2013, 10:55 GMT 13:55 SGA
Ciidamada Kenya

Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan ayaa la eedeynayaa

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo saraakiil kale oo joogay magaalada Kismaayo ayaa ku sugan gegida diyaaradaha ee magaalada, kaddib dagaalkii ka dhacay Kismaayo, inkasta oo ay magaaladu maanta xasiloontahay.

Xildhibaan Maxamad Maxamuud Ibraahim, oo ka mid ah xildhibaannada barlaaanka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyey ciidammada Kenya in ay dhinac la jirsadeen.

Xildhibaanku waxaa uu ka mid yahay dhowr xildhibaan iyo saraakiil kale oo ciidamada AMISOM ee Kenya ay geeyeen gegida diyaaradaha Kismaayo markii dagaalku ka socday magaalada.

Wadahadallo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaan laga gaarin wax natiijo ah marka la eego arrimaha Jubbooyinka

Xildhibaan Maxamad ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay haatan daweynayaan dhaawacii dagalyahannada Raaskambooni, halka kuwii ka soo horjeeday aan loo oggolaan in lagu daweeyo isbitaallada AMISOM.

Waxaa muuqata in labada dal aanay isku fahmin arrinta Kismaayo, in kasto oo aan la ogayn saamaynta ay arrintan ku yeelan karto xiriirka guud ee ka dhexeeya labada dal.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ku gacanseyray dalab ay Kenya u soo gudbisay Soomaaliya oo ahaa in dib loo furo wadahalkii labada dal ee xadka badaha.

Ciidanka Kenya ayaa Soomaaliya gudaha u galay dabayaaqadii 2011-ka, iyagoo sheegay inay ku raad joogeen ururka Al-Shabaab, oo ay ku eedeynayeen weerarro ka dhacay dalka Kenya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.