Mandela oo Isbitaal la dhigay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 June, 2013, 10:12 GMT 13:12 SGA
Nelson Mandela

Nelson Mandela

Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa isbitaalka loo qaaday caabuq ama cudur kaga dhacay sambabka awgeed.

Mandela oo sagaal iyo afar jir ah, ayaa la sheegayaa inuu cudurkiisa uu qatar yahay laakiin xaaladiisa ay fiican tahay kadib markii loo qaaday isbitaal Pretoria ku yaal habeen barkii.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha, ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay samaynayaan wax walba oo ay awoodaan si ay u daaweeyaan oo uu u nafiso.

Mandela ayaa wuxuu qaaday tiibisho markii uu u xirnaa labaatan iyo toddobo sanno hogaaminta la dagaalanka xukunkii midab kala sooca.

Nelson Mandela ayaa loo arkaa aabaha umadda, kadib markuu hogaaminayay waddanka xiligii xukunka laga wareejiyay cadaankii midab kala sooca oo lagu wareejiyay dowlad dimoqraadi ah oo uu hogaaminayay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.