BBC navigation

Olole tallaal oo ka bilawday koofurta Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Mey, 2013, 15:55 GMT 18:55 SGA
Olole tallaal ee dalka Soomaalia

Olole tallaal ee dalka Soomaalia

Hay'adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka, WHO, iyo xannaanada carruurta, UNICEF, oo ay wada shaqeynayaan dowladda Soomaaliya ayaa maanta olole tallaal oo ballaaran ka bilaabay gobollo ka tirsan koofurta Soomaaliya.

Carruurta gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa waxaa laga tallaalayaa cudurka Dabeysha. Cudurkan ayaa markii ugu horreysay muddo lix sano ah waxaa laga soo sheegay inuu ka jiro magaalada Muqdisho. Waxaana berrito halkaas ka bilaabanaya wejiga labaad ee ololaha tallaalka cudurka dabeysha ee carruurta ku nool magaalada caasimadda ah.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu cudurku ku fido deegaanno kale maadaama uusan jirin olole tallaal oo gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya laga hirgeliyay muddo sannado badan ah sababtoo ah baa la yiri dhulkaas oo ay ka talin jireen Xarakada Al-shabab.

Shire Cabdi Maxamed oo ah iskuduwaha caafimaadka ee wasaaradda arrimaha bulshada ee Soomaaliya u jooga gobolka Gedo waxaa uu BBC u sheegay in carruur ka badan 600 oo kun oo da'doodu shan sano ka yar tahay la tallaali doono inta ololahani uu ka socdo gobollada koofurta Soomaaliya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.