QM oo eedeysay mucaaradka Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Mey, 2013, 10:52 GMT 13:52 SGA

Carla del Ponte waa khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay

Baare xuquuqda aadanaha oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay jirto caddeyn in hubka kiimikada ay isticmaaleen mucaaradka dalka Suuriya.

Carla del Ponte ayaa sheegtay in marqaati ay bixiyeen dad dhibaato soo gaartay iyo dhakhaatiir shaki xooggan ka bixiyay - inkasta oo aanay jirin caddeyn aan la beenin karin - ee ah in gaaska sarin ay isticmaaleen dagaalyahanniinta mucaaradka.

Ms del Ponte meesha kama aanay saarin suurtagalnimada in ciidanka dowladda ay iyaguna isticmaaleen hubka kiimikada.

Mareykanka iyo Britain ayaa sheegay inay jirto caddeyn in xoogagga daacadda u ah Madaxweyne Basha al-Asad ay suurtagal tahay inay isticmaaleen hubkaasi.

Ruushka ayaa ku booriyay dalalka reer Galbeedka in aanay siyaasadeyn arrinta.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.