QM oo joojisay gargaarkii Qasa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Abriil, 2013, 02:49 GMT 05:49 SGA

Banaanbaxyo rabshado wata ayaa ka socday Qasa toddobaadkan

Qaramada Midoobay waxa ay joojineysaa dhammaan cuntadii ay ku qeybin jirtay xarumaha ku yaal marinka Qasa, kadib markii dad banaanbaxaya oo ka careysan miisaaniyadda oo la jaray ay xoomeen mid ka mid ah xarumahooda.

Waxa arrintan ay ka dambeysay banaanbaxyo rabshado watay oo toddobaadka oo dhan ka socday halkaasi.
Wakaaladda Qaramada Midoobay ee shaqada iyo samafalka oo gargaar siisa ilaa 800 oo kun ee Falastiiniyiinta ku nool Qasa, ayaa ku tilmaantay xaalad xun oo isa soo taraysa.

Afhayeen u hadlay Xamaas, oo iyadu maamusha marinka Qasa ayaa ku tilmaamay talaabada Qaramada Midoobay mid aan qiil loo yeeli karin.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.