BBC navigation

Mucaaradka oo qabsaday Bangui

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Maarso, 2013, 11:51 GMT 14:51 SGA
Madaxweyne Bozizi

Madaxweyne Francois Bozizi ayaa u cararay waddanka Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Comgo.

Mucaaradka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa qabsaday madaxtooyada magaalo madaxda Bangui.

Afhayeenka madaxweyne Francois Bozizi, ayaa sheegeay in madaxweynihii uu u cararay Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo. Afhayeenka wuxuu sheegay in mucaaradka ay maamulaan magaalo madaxda hada.

Ciidamada mucaaradka ayaa soo gaaray banaanka magaalada Sabtidii. Waxaa la maqlayay hub aad u culus markii ay qabsanayeen madaxtooyada.

Mucaaradka ayaa bilaabay dagaal, kadib markii uu burburay heshiis nabadeed oo socday laba bilood oo ay la lahaayeen dowladda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.