Gen. Ntaganda oo loo wareejinayo ICC

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Maarso, 2013, 04:37 GMT 07:37 SGA

General Bosco Ntaganda waxa loo heystaa dambiyo ka dagaal

Dacwad oogtada ugu weyn maxkamadda caalamiga ee Hague, Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in ninka sida weyn loogu tuhunsan yahay inuu dambiyo dagaal ka galay Congo Bosco Ntaganda la geyn doono maxkamadda hague toddobaadkan.

Mr Ntaganda oo hogaamin jiray mucaaradka ka dagaalamayay jamhuuriyada dimuqraadiga ee Kongo ayaa isku soo dhiibay Isniintii safaaradda Mareykanka ay ku leeyihiin magaalada Kigale ee xarunta dalka Rwanda.

Dacwadda Kenyatta

Dhinaca kalena Fatou Bensouda waxa ay sheegtay in maxkamadda ICC ay siiw adi doonto kiiska Madaxweynaha la doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta. Laakiin Ms Bensouda waxa ay sheegta in aanay ogeyn xilliga ay maxkamadiisu bilaaban doono.

Mr. Kenyatta waxa loo heystaa dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada doorkii uu ku lahaa rasbahadihii dhacay kadib doorashooyinkii dalka Kenya 2007.

Waxa uu beeniyaa in wax dambi ah uu galay. Dacwadiisa waxa ay qorsheyney inay bilaabato bisha soo socota laakiin waxaa dib loogu dhigay July kadib markii qareenadiisu ay codsadeen waqti dheeraad ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.