Dhibaatda dhaqaalaha Qubrus

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Maarso, 2013, 11:14 GMT 14:14 SGA

Hogaamiyayaasha siyaasadda dalka Qubrus ayaa leh wadahalado deg deg kadib markii baarlamaanka uu si buuxda uga soo horjeestay qorshaha caalamiga ah ee dhaqaale badbaadinta.

Waxaa qorshahan ku jirtay canshuur mar kaliya laga qaadayo lacagaha dadku dhigteen bangiyada ee kaydka ah.

Xisbiyada ayaa isku dayi doonaa in ay la yimaadaan qorshe kaa ka badaln oo ay ku qanci doonaan baarlamaanka iyo midowga europe.

Dowladda iyo Bankiga dhexe ayaa ka shaqaynaya fikrado iyaga u gaar ah, iyadoo baadariga ugu wayn ee Qubrus uu ballan qaaday in dhamaan hantida kaniisadda loo yaboohayo si si wax looga qabto hadii ay dhacdo in Bank-yadu ay burburaan.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda Qubrus, Michalis Sarris ayaa ku sugan magaalada Moscow si uu Ruushka ugala xaajoodo kaalmo dhinaca maaliyadda ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.