BBC navigation

Xaalada xabsiga Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Maarso, 2013, 17:17 GMT 20:17 SGA
Raiisal wasaare  Cabdi Faarax Shirdoon

Raiisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon

Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho oo ay dhawaantan labo maxbuus ugu dhinteen cudurka shuban biyoodka, ayaa waxaa maanta tagay Raiisalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xukuumaddiisa.

Xabsiga oo ay ku jiraan in kabadan kun maxbuus, ayaa indhaha warbaahinta waxa uu soo jiitay markii todobaadkii hore saraakiisha xabsigu shaaciyeen jiritaanka cudurka shubanka, iyo tirada badan ee uu soo ritay taasoo keentay in hay'adaha caafimaadku ay dawooyin gaarsiiyaan xabsiga.

Wasiirka koowaad Cabdi Faarax Shirdoon oo ay wehliyeen Wasiirka Cadaalada iyo kan Warfaafinta, ayaa hadal uu ka jeediyay xabsiga dhexe waxa uu sheegay inay xaalad adag ka jirto halkaasi isla markaana uu indhihiisa kusoo arkay. Ra'iisalwasaare Saacid, waxa uu sheegay inay si deg deg ah wax uga qaban doonaan xaaladda maxaabiista.

Cudurka shuban biyoodka ayaa xiliyada kulaylaha lagu arkaa dalka Soomaaliya, iyadoo kiisas cudurka ah laga soo warinayo magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.