Kuuriyada Waqooyi oo hanjabtay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 Maarso, 2013, 02:12 GMT 05:12 SGA

Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay cunaqabateyn adag oo cusub oo la saaray Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay goyneyso dhamaan heshiisyadii kala dhaxeeyay dalka Kuuriyada Koonfureed, taasi oo ay kaga jawaabeyso cunaqabateynta cusub ee lagu soo rogay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada ayaa cunaqabateyn ada oo cusub ku soo rogaya dalka Kuuriyada Waqooyi kadib markii ay tijaabisay nukliyeerkeedii ugu dambeeyyay bishii Febraayo.

Arrintan ayaa soo baxday iyada oo ay jirto xiisad sii kordheysa oo Pyongyan oo careysan ay ku hanjabtay Washington inay hub nukliyeer ku garaaci doonto.

Tani waa markii afraad ee cunaqabateyn lagu soo rogo hubka nukliyeerka iyo ballistic ee kuuriyada waqooyi.
Waxaana markan ay noqon doontaaa cunaqabateyntan mid aad u taabata sida ay sheegtay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midooba.

Qaraarkan QM ayaa waxa uu mamnuucayaa in la kala wareejiyo wax dhaqaale ama lacag ah oo wax loogu qabanayo hawlaha hubka ee Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi waxa dhawaan ay tijaabisay hub nukliyeer ah

Waxa uu xirayaa wixii daldaloolo ahaa ee jiray, waxaana uu sii adkeynayaa talaabooyinkii horey loogu soo rogay iyada oo ka dhigeysa mid la mid ah xannibaadaha Qaramada Midoobay ee saaran dalka Iran oo kale.
Inay guuleeysato cunaqabateynta cusub waxay ku xiran tahay sida y u dhaqan geliso dowladda Shiinaha, oo ah xulafada ugu weyn ee ay heysato Kuuriyada Waqooyi iyo dalka ugu weyn ee dhaqaale ahaan ay isku xiran yihiin.

Dowladda Shiinuhu waa ay taageertay cunaqabateyntan ugu dambeysay, sababtoo ah waxay aad uga careysneyd tijaabadii ugu dambeysay, laakiin waxa ay ka walaacsan tahay in degenaansho la'aan lagu abuuro rejiimka Pyongyang.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.