Chad: Mukhtar Bil Mukhtar oo la dilay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Maarso, 2013, 10:58 GMT 13:58 SGA
Mukhtar Bil Mukhtar

Mukhtar Bil Mukhtar ayaa ahaa nin aad loo raadinayay.

Dawladda Chad waxay sheegtay militrigeedu inuu dilay ninkii u sareeyey mintidiinta islaamiga ah ee waqooyiga Africa. Mukhtar Bil Mukhtar waxaa looga shaki qabay inuu amray weerarkii warshadda gaaska ee Algeria ee bishii Janaayo oo dad ka badan soddon qof oo la afduubay la dilay.

Nin u hadlay militriga Chad wuxuu sheegay, in muqtaar lagu dilay weerar lagu qaaday xero mintidiintu ku leeyihiin woqooyiga Mali. Warkan waxaa ka horeeyey mid soo baxay maalin ka hor oo sheegay in taliyihii Al-Qacida ee woqooyiga Africa Abu Zaid isna la dilay.

Hase ahaatee cid madax banaan oo xaqiijiineysaa dilalka labada nin ma jirto.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.