Benedict oo jeedinaya khudbaddii ugu dambeysay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Febraayo, 2013, 10:27 GMT 13:27 SGA

Pope Benedict ayaa xilka iska casilay bishan horraanteedi

Tobanaan kun oo dadka aaminsan madhabta kaatooliga oo sita calamo iyo boorar ayaa salaamayay Baadari weynaha Madhabta katooliga Pope Benedict fagaaraha Saint Peter ee magaalada Vaticanka, khudbadiisi ugu dambeysay ee meel fagaaraha ah uu dadka kala hadlo.

Iyada oo si tartiib ah loogu waday gaariga yar ee laguq aado ayaa la soo dhexmarsiiyay dadka isaga oo gacanta u taagayay dadka aaminsan oo magaciisa ku dhawaaqayay isla markaana uga mahadcelinayay hawshii uu kaniisadda u qabtay.

Pope oo khudbad jeediyay waxa uu u mahadceliyay cid walba oo taageertay, isaga oo wanaag u rajeeyay cidda beddeli doonta.

Dhawaan ayaa Pope-ku iska casilay xilka kadib markii uu sheegay in caafimaad ahaan iyo da' ahaanba aanu sii wadi karin hawsha kaniiisadda.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.