JD Congo: Heshiis nabad oo la saxiixay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Febraayo, 2013, 10:57 GMT 13:57 SGA

Hogaamiyayaasha waddamada Great Lakes ee Afrika, ayaa saxiixay heshiis lagu dhamaynayo dagaalka Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Kongo. Heshiiska oo ay dhexdhexaadinayso Qaramada Midoobay ayaa loogu talagalay in lagu dhameeyo dagaalka mucaaradka iyo dowladda ee bariga Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Congo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, ayaa sheegay inuu rajaynayo in heshiiska uu nabad iyo deganaansho u keeno gobolka.

Heshiiska ayaa waddada u furaya, in lagu soo kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada midoobay ee jooga Congo ciidamo caalami ah oo ka hortaga mucaaradka bariga waddanka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.