Dacwadda Oscar oo gashay maalin labaad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Febraayo, 2013, 19:33 GMT 22:33 SGA

Oscar Pistorius waxa loo heystaa inuu dilay saaxiibtii

Maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika oo ay dacwadda Oscar Pistorius ka socoto ayaa, waxaa loo sheegay in la maqlay xabbado Dhacaya iyo Qaylo qof Dumar ah iyo Xabado kale oo ka dhacaya, Guriga, ninka Naafada ah ee Ciyaaraha Olympiga ku qaatay Biladaha Dahabka ah ee la yiraaho Oscar Pistorius, habeenkii la diley, Gabadhii uu Saaxiibka la ahaa ee la oran-jirey, Reeva Steenkamp.

Oscar Pistorius, waxaa uu Maxkamada ka sheegay in markuu Xabadaha Ridayey uu tooganayey qof Tuug ah oo Gurigiisa u soo dhacay, waxaa-nu beeniyey in uu si ogaan ah u diley, Gabadhaas, Ms Steenkamp.

Booliiskii arrinta dilkaas baarayey, waxaa uu oggolaaday in aanay jirin Caddeyn ka soo horjeeda, hadalka uu sheegay, Pistorius.

Dacwadaas oo lagu eegayey in ninkaas Oscar Pistorius lagu sii daayo Damiin, waxaa dib loo dhigay, ilaa maalinta Khamiista.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.