BBC navigation

Dacwadda cayaaryahan Oscar Pistorius

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Febraayo, 2013, 10:11 GMT 13:11 SGA

Oscar oo ka baxaya saldhigga booliis ee uu ku xiran yahay

Orodyahanka reer Koonfur Afrika Oscar Pistorius, oo lagu soo dacweeyay inuu dilay gabar ay saaxiibo ahaayeen Reeva Steenkamp, ayaa sheegay in markii uu rasaasta ridayay uu u maleeyay qof guriga u soo dhacay iyadana uu u heystay inay weli sariirta jiiftay.

Mr Pistorius ayaa ku ooyay maxkamadda markii laga sheegay halkaasi faahfaahin ku saabsan dilka.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Mr Pistorius uu riday dhawr xabbadood oo uu ku riday musqusha qubeyska ee gurigiisa.

Waxa uu qof qaraabo ah u sheegay inuu u maleeyay in qof u soo dhacay gurigooda uu jiray.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in dilka uu ahaa mid la qorsheeyay, laakiin qareennada cayaaryahanka ayaa maxkamadda u sheegay in aanay jirin wax caddeyn ah oo arrintaasi muujineysa.

Qoyska Reeva Steenkamp ayaa iyaguna magaalada Port Elizabeth waxa ay ku sameysanayaan tacsi gaar ah oo ay ku xasuusanayaan gabadhooda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.