Abaalmarin lagu bixinayo dil sheegis

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Febraayo, 2013, 11:19 GMT 14:19 SGA
Raiisal wasaaraha  Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid

Raiisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa ka dib kulan uu la qaatay madaxada idaacadaha maxalliga ah ee ka howlgala Muqdisho isaga iyo wasiirka warfaafinta waxaa uu ku dhawaaqay in 50 kun oo doolar la siin doono qofkii soo sheego ama qabta gacan ku dhiigle dilay wariye Soomaaliyeed. Waxaa Raisul wasaarauhu uu intaa ku daray in isaga shaqsi ahaan u uu taagan yahay in uu xaqiijiyo in lacagtaasi loo gacan galiyay qofkii xogta keenay ama gacanta ku dhigay dhagarqabaha.

Waxaa socota dood laga yeelanayo sharci cusub oo loo sameynayo saxaafadda Soomaaliya kaas oo ay xukuumaddu dooneyso in ay horgeyso baarlamaanka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee lagu dhibaateeyo saxafiyiinta, waxaana hadda xabsi ku jira wariye waresytay haweeney sheegtay in la kufsaday iyo haweeneydii sheegtay in la kufsaday oo maxakamad ay ku xukuntay hal sano oo xarig ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.