BBC navigation

CPJ: Dilka weriyayaasha ayaa sii kordhay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Febraayo, 2013, 03:27 GMT 06:27 SGA

CPJ oo fadhigeedu yahay magaalada New York waxay u dooddaa weriyayaasha

Warbixin cusub oo la soos aaray ayaa sheegeysa in si aan la fileyn ay sare ugu kacday tirada weriyayaasha la dilo iyo kuwa la xiro ee adduunka.

Hey'adda difaacda weriyayaasha ee CPJ ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay toddobaatan weriye la dilay iyaga oo hawshooda ku jira, in ka badan 230 kalena xabsi la geliyay.

In badan oo weriyayaashan ah ayaa lagu dilay goobaha dagaalka ee Suuriya, laakiin qaar kale ayaa loo dilay arkii ay ka soo warameen dambiyo iyo musuqmaasuq.

Meelaha ugu badan ee weriyayaasha caalamka sanadkii hore lagu dilay waxa ka mid ah dalka Soomaaliya, oo lagu dilay 18 weriye.

Hey'addu waxay sheegtay in dilalkaasi aan la isku raacan, taasi oo xorriyadda saxaafadda khatar gelineysa.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.